Saturday, July 27, 2024

Itoobiya oo dhameystirtay biya xireenka laga dhalinayo korontada

Addis Ababa (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku  dhawaaqay in la dhameystiray  biyo xireenka weyn ee Wabiga Niilka Buluuga ah, kaas oo la qorsheynayo in laga dhaliyo koronto daboosha baahida ay muwaadiniinta dalkaas u qabaan koronto ku filan.

Aby Axmed ayaa bartiisa  “X” kusoo qoray  “Anigoo aad u faraxsan, waxaan ku dhawaaqayaa in buuxintii afraad ee ugu dambaysay ee biyo xireenka lasoo gabagabeeyay”

Arrintaan ayaa kusoo beegmyeysa laba todobaad kadib wada xaajood aan guul laga agarin oo  dhax maray dalalka Itoobiya, Masar iyo Suudaan.

Dowladaha Masar, Suudan iyo Itoobiya ayaa kawada xaajoonayay  sidii heshiis looga gaari lahaa biya xireenka Itoobiya tan iyo sanadkii 2011, inkasta oo aan ilaa hadda wax guul ah laga gaarin wada hadalladaas.

Biyo xireenkaan ayaa laga sameeyay  Blue Nile-ka  gobolka Benishangul-Gumuz, oo qiyaastii 30 km u jira xudduudda Suudaan.

Dhererka biya xireenkaan ayaa lagu sheegay 1.8 km, halka joogisu gaarayo  145 mitir.

Bishii Febraayo 2022, Itoobiya ayaa  si rasmi ah u billaawday inay koronto kasoo saarto  biya xireenkaan oo ay ku baxday lacag gaareysa  afar bilyan oo doolar.

Dhanka kale, Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimah Dibadda Masar, ayaa lagu cambaareyay dhameystirka biya xireenka, iyada oo lagu tilmaantay tillaabo xad gudub ku ah heshiisyadii ay saxiixdeen dowladaha Itoobiya, Masar iyo Suudaan sannadkii 2015, kaas oo dhigaayay in seddexda dal ku heshiiyaan shuruucda iyo qaabka loo marayo buuxinta biya xireenka.

Wasaaradda Arrimha Dibadda Masar ayaa ku eedeysay Itoobiya inaysan tixgelin danaha labada dal iyo xuquuqda biyaha oo ay damaanad qaadayaan xeeraraka caalamiga ah

Bayaanka kasoo baxay Masar ayaa lagu soo gabageeyay in go’aanka Itoobiya saameyn ku yeelan doono wada xaajoodyadii loo ballansanaa inay dhacaan bila soo socda ee lagu doonayay in xal waara looga gaaro muranka biya xireenka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here