Jigjiga (Dawan)- Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa saxiixday laba heshiis oo lagu hirgelinayo mashaariic kaabayaasha biyaha ah, kuwaas oo lagu maalgelinayo 55 milyan oo Bir Itoobiya ah,una dhiganta qiyaastii ($352,871), si wax looga qabto biyo-yaraanta ka jirta deegaannada u nugul abaarta.
Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in heshiisyada, oo la saxiixay Arbacadii, ay quseeyaan nashqadeynta iyo kormeerka laba mashruuc oo waaweyn, kuwaas oo kala ah nidaamka biyo-siinta magaalada Shinile iyo biyo-xireen cusub oo laga dhisayo deegaanka Dharraaye.
Mashruuca biyo-siinta Shinile, oo lagu qiyaasay 30 milyan oo Bir, una dhiganta ($192,475), ayaa la qorsheeyay in lagu soo gabagabeeyo muddo laba bilood ah, halka mashruuca biyo-xireenka Dharraaye, oo ku kacaya 25 milyan oo Bir, una dhiganta lacag dhan ($160,396), la filayo in la dhammaystiro saddex bilood gudahood.
Wasiirka Xafiiska Biyaha ee Deegaanka Soomaalida, Axmed Mirad Layli, ayaa sheegay in maamulka gobolku uu kalsooni buuxda ku qabo in mashaariicdan lagu fulin doono waqtigii loo qabtay, isagoo xusay in ay door muhiim ah ka qaadan doonaan horumarinta nolol-maalmeedka bulshada.




