Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadday deegaanka Jabad-Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe uu sababay dhimashada 16 ka tirsan kooxda iyo dhaawaca 21 kale.
Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay oo lagu baahiyay barta "X" ku sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku guuleysteen inay dilaan 16 dagaallamayaal, halka 21 kalena ay gaarsiiyeen dhaawacyo halis ah, iyagoo ku qasbay intii hartay inay baxsadaan goobtana uga tageen hubkoodii iyo agabkoodii dagaal.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xaqiijisay in ciidamada dowladda ay si buuxda gacanta ugu hayaan deegaanka, iyadoo xustay inuu weli socdo howlgal ballaaran oo la xiriira sugida amniga deegaanka, iyadoo oo ciidamada dowladda ay baadi goobayaan xubnaha kale ee ku haray deegaanka.






