Muqdisho (Dawan) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shalay sheegay in ay fashiliyeen weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Wali dowladda kama aysan soo saarin tirada saxda ah oo ay ku dileen dagaalka, balse ila ka tirsan ciidanka dowladda ee ku sugan Jabad Godane oo codsaday in aan la shaacin magacooda ayaa Dawan u xaqiijiyay in weerarka ay marki hore soo qaadeen Al-Shabaab ay ciidanka ku dileen 16 ka tirsan kooxda, halka 21 kalena ay ku dhaawacmeen, ma jirto ila kale oo madaxbannaan oi cadeyn karaa khasaaraha ka dhashay dagaalka.






