Soomaaliya, 19 Janaayo 2026 (Dawan) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen "Muungaab," ayaa ku dhawaaqay olole ballaaran oo lagu diiwaangelinayo dhammaan gaadiidka dadweynaha ee caasimadda, iyadoo talaabadan lagu xoojinayo amniga iyo la socodka gaadiidka.
Duqa magaalada ayaa amarkan kaga dhawaaqay xilli uu xarigga looga jarayay Dugsiga Gabdhaha ee Darmooley, degmada Heliwaa ee Muqdisho, isagoo sheegay in ololahan uu dhisi doono keyd xogeed dhammaystiran oo ay ku jiraan milkiilayaasha, darawalada, iyo odayaasha dhaqanka ee damiinka ka ah hawlwadeennada gaadiidka.
" Waa in gaadiid kasta la diiwaangeliyaa. In kastoo taargooyinka baabuurta horay loola socday, hadda waxaan u baahannahay dukumiintiyada buuxa ee darawalka, milkiilaha, iyo odayaashooda dhaqanka," ayuu yiri Muungaab. isaga oo raaciyay hadalkiisa "Haddii ay dhacdo, dhacdo amni—Illahay ha naga hayee—waa inaan awoodnaa inaan aqoonsanno cidda saxda ah ee gaariga waday,cidda leh iyo cidda damiinka ka ahayd"
Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa mas’uul ka noqon doonta diiwaangelinta, sida uu guddoomiyuhu sheegay taasoo lagu xaqiijinayo badqabka caasimadda. Duqa magaalada ayaa sidoo kale meesha ka saaray warar sheegaya in tallaabadan lagu soo rogayo lacag cusub, isagoo caddeeyay in khidmadaha la qaadayo ay yihiin kuwa horey u jiray tan iyo 1960-kii, isaga oo yiri; "Cabasho waxaa na soo gaartay inaan leediihiin lacag baa nagala qaadaya. Wax lacag ah oo la idinka qaadayo ma jiraan marka laga reebo khidmadaha lacagta busteejada dowladda hoose, kuwaas oo jiray ilaa 1960-kii,"






