Jabuuti, 18 Janaayo 2026 (Dawan)– Dowladda Jabuuti ayaa billowday barnaamij tababar oo gaar ah oo loogu talagalay mas’uuliyiinta maaliyadda dadweynaha, taas oo ah tallaabo lagu doonayo in lagu casriyeeyo maamulka dhaqaalaha, laguna xoojiyo kormeerka miisaaniyadda, isla markaana kor loogu qaado xirfadaha gudaha ee hay’adaha dawladda.
Barnaamijkan, oo sida ay warbaahinta dawladda sheegtay Axaddii ka furmay Qasriga Shacabka ee caasimadda Jabuuti, ayaa qeyb ka ah istiraatiijiyad qaran ee lagu dhisayo awood farsamo oo waarta, xilli dalka ku yaalla Geeska Afrika uu dardargelinayo dib-u-habaynta nidaamka maaliyadda dadweynaha.
Tababarka waxaa soo qabanqaabiyay Xarunta Tababarka Maamulka Maaliyadda (CAF), iyadoo taageero maaliyadeed laga helayo Hay’adda Horumarinta Faransiiska (AFD), halka gargaarka farsamo ay bixinayaan khubaro Faransiis ah. Ujeeddadu waa in la helo hannaan maaliyadeed oo hufan, isla markaana la casriyeeyo hababka miisaaniyad-dejinta iyo kormeerka kharashaadka dawladda.
Hindisahan cusub ayaa imanaya kaddib talooyin ka soo baxay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF), kaas oo, iyada oo loo marayo xaruntiisa gargaarka farsamo ee gobolka oo ka qayb qaatay dejinta qorshe lagu beddelayo koorsooyin akadeemiyadeed oo waqti dheer qaata, laguna beddelayo tababaro kooban oo wax ku ool ah, si ay u gaaraan tiro ballaaran oo shaqaale ah.
Agaasimaha Guud ee Xarunta Tababarka Maamulka Maaliyadda, Cabdirisaaq Khayre Buraale, ayaa sheegay in wejigan tababarka uu diiradda saarayo cusboonaysiinta aqoonta mas’uuliyiintii horey uga faa’iiday barnaamijyada la midka ah, si ay ula jaanqaadaan isbeddellada cusub ee maamulka dhaqaalaha. Aqoon-is-weydaarsiga waxaa hoggaaminaya khubaro Faransiis ah oo kala ah Stéphane Kessler iyo Fabien Delome.






