Soomaaliya, 15 Janaayo 2026 (Dawan)— In ka badan 30 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta oo Khamiis ah lagu dilay hawlgal milatari oo wadajir ah oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Midowga Afrika, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).
Hawlgalkan, oo ay taageereen duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen saaxiibbo caalami ah, ayaa lagu beegsaday dagaalyahanno ku sugnaa agagaarka saldhigga hore ee Bulunagaad, waxaana ka qayb qaatay ciidamada Soomaaliya, kuwa AUSSOM, gaar ahaan Ciidanka Difaaca Dadka Uganda (UPDF).
“Duullaanno isku dubbaridan oo dhulka iyo cirka ah ayaa lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka AUSSOM, iyadoo intaas lagu daray in dhowr kale ay ku dhaawacmeen inti howlgalku socday.
AUSSOM waxay sheegtay in hawlgalkani uu ka dhacay xilli ay ciidamada amnigu sii wadeen ololaha ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo dagaalyahannada la beegsaday laga saaray goobo ay ka mid yihiin magaalada xeebta ah ee Gendershe iyo marinka Jilib–Marka, intii uu socday hawlgalka ay hoggaaminaysay Soomaaliya ee “Seefta Qarsoon.”



