Jigjiga (Dawan ) – In ka badan 30,000 oo qof ayaa si guul leh looga diiwaan geliyay wejiga koowaad ee Barnaamijka Diiwaangelinta Aqoonsiga Qaranka (Fayda) ee barakacayaasha Qolloji, sida lagu sheegay kulanka xiritaanka wejigan oo lagu qabtay magaalada Jigjiga.
Barnaamijkan oo socday muddo lix bilood ah ayaa si wadajir ah waxaa u fuliyay Xafiiska Maareynta Khataraha Masiibooyinka DDS, xafiisyo heer deegaan ah, hay’ado bahwadaag ah, iyo Wakaaladda Aqoonsiga Qaranka Itoobiya ee Fayda. Inta lagu guda jiray wejiga koowaad, waxaa la diiwaan geliyay 34,216 qof, halka 30,679 qof ay si buuxda u dhammeysteen diiwaangelinta.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in ilaa hadda aqoonsiga qaranka loo daabacay in ka badan 11,835 qof, taasoo u sahleysa barakacayaasha Qolloji iyo dadka kusoo qaxay helitaanka adeegyada aasaasiga ah ee ku xiran National ID-ga dalka laga hirgeliyay.







