Jabuuti (Dawan)- Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa daah-furay hindise wadajir ah oo lagu mideynayo uruurinta iyo maareynta xogta deegaanka badda, si loo xoojiyo ilaalinta nidaamka deegaanka ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Hindisahan oo lagu shaaciyay aqoon-is-weydaarsi heer gobol ah oo toddobaadkan ka furmay magaalada Jabuuti, ayaa ujeeddadiisu tahay in la waafajiyo kaydinta, wadaagga, iyo ka faa’iideysiga xogta deegaanka badda, iyadoo diiradda la saarayo saameynta isa soo taraysa ee isbeddelka cimilada ku yeelanayso marinnada badeed ee istiraatiijiga ah.
Aqoon-is-weydaarsiga waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Gobolka ee Ilaalinta Deegaanka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed (PERSGA), oo ay xubin ka yihiin dalalka gobolka, kana mid yihiin Jabuuti iyo Soomaaliya.



