Jabuuti (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa garab istaag u muujisay dowladda iyo shacabka Liibiya oo wajaha xaalad aad u adag kadib duufaantii dalkaas ku dhufatay oo sababtay dhimashada dad ka badan laba kun iyo burburka magaalooyin.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusf ayaa bartiisa “X” kusoo qoray “ Kadib dhul-gariirkii ka dhacay Boqortooyada Marooko oo galaaftay nolosha kumannaan qof, hadana waxaa ku dhacay Walaalahayn Liibiya musiibo dabiici ah oo ka dhalatay duufaan sababtay daadad geystay waxyeello badan"
Wasiirka ayaa intaas raaciyay “ Waxaan u rajeyneynaa dadkii ku dhaawacmay soo kabasho deg-deg ah, waxaana ka tacsiyeynya dadkii ku geeriyooday".
Mas’uuliiinta Liibiya ayaa sheegay in dadka ku geeriyooday daadadka ay kor u dhaafeen laba kun oo qof, halka la weysanyahay dad ka badan tobon kun oo qof.



