New York (Dawan)- Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa ku baaqay in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo ku tilmaamay Golaha mid aan shaqeyn oo ku dhisan caddaalad darro.
Hadalkaan ayuu ka sheegay Ruto, khudbaddii uu ka jeediyay kalfadhiga 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha Kenya ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahanyahay in caalamku yeesho hannaan awood u leh inuu si deg-deh ah wax uga qabto una xalliyo xasaradaha caalamiga ah ee socda.
Ruto ayaa yiri “ Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxa uu ku guuldarreystay xallinta arrima badan”
Ruto ayaa intaas ku daray in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu noqday mid aan loo dhameyn sidaas darteedna uu noqday Gole aan wax ka qaban karin dhibaatada ka jirta adduunka hadda la joogo.
Sannadihii la soo dhaafay, wadamada Afrika ayaa xusul duub ugu jiray sidii ay nidaamka dowliga ah uga u heli lahaayeen metelaad dhab ah, waxeyna xoojiyeen doonistooda ah in ay kursi joogta ah ka helaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.



