Laascaanood (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul u cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay “dhul-boobka Israa’iil”, isaga oo caddeeyay in arrintaasi tahay khad cas oo aan marnaba laga gudbi karin, isla markaana aysan waafaqsanayn danaha Qaranka Soomaaliyeed iyo xasilloonida guud ee gobolka.
Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabadda caleema-saarka Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegay in aqoonsiga ama taageeridda tallaabooyinka Israa’iil aysan ahayn dano Qaran, isla markaana aysan wax faa’iido ah u lahayn masiirka dhulka ay Soomaalidu ku nooshahay, gaar ahaan gobollada waqooyi.
“Dhul-boobka Israa’iil waa maya. Waa khad cas. Ma aha danteenna, mana aha danta geyigan aan ku nool nahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo si cad u muujiyay mowqifka Dowladda Federaalka.







