Soomaaliya, 18 Janaayo 2026 – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinnimadii Sabtida diiday soo jeedin kasta oo ah in dadka Falastiiniyiinta ah dib-u-dejin loogu sameeyo Somaliland, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay Falastiiniyiinta ka xayuubinayso xuquuqdooda aasaasiga ah.
Isagoo ka hadlayay magaalada Laascaanood munaasabadda caleemo-saarka maamulka cusub ee Dowlad-goboleedka Waqooyi-Bari, Maxamuud wuxuu sheegay in Falastiiniyiintu ay usoo dhabar-adaygeen tobannaan sano oo colaad ah iyagoo aan ka bixin dhulkooda, isla markaana aan loo baahnayn in loo beddelo waxa uu ku tilmaamay “dad aan dal iyo dowlad lahayn.”
“Muddo 70 sano ah ayaa inta u wad xagga u wad, maalin walba madfac ku rid haddana waa la dhaqaajin waayey. Miyaan u fududaynaynaa in dhulkooda laga riixo?”” ayuu yiri Maxamuud.
Wuxuu tusaale usoo qaatay dilka carruurta iyo dadka rayidka ah iyo burburinta guryaha iyo magaalooyinka, kuwaas oo uu sheegay inay hadda u eg yihiin “Maalintii Qiyaamaha.”
Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in aan Falastiiniyiinta loo rari karin qaab meesha ka saaraya xuquuqdooda siyaasadeed iyo lahaanshahooda dhuleed, isagoo sheegay in taasi aysan Soomaaliya marna oggolaan karin.
“Adduunka waxaa jira dad loo yaqaanno ‘Bidduun’ dadka aan dalka lahayn, dowladna lahayn,” ayuu yiri. “Way nool yihiin, waa loo oggol yahay inay wax cunaan oo wax cabbaan si ay u noolaadaan, laakiin ma laha wax xuquuq ah, mana laha meel ay ka tirsan yihiin. Annagu ma oggolaanayno in dadka Falastiiniyiinta ah ay noqdaan dad ‘bidduun ah’.” ayuu raaciyay hadalkiisa






