Soomaaliya, 15 Janaayo 2026 (Dawan) — Justin Davis ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Ergeyga Kumeel-gaarka ah ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, isagoo beddelaya safiirkii hore Richard H. Riley, sida ay ku dhawaaqday safaaraddu maanta oo Khamiist ah.
Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa xilli Washington ay dib u eegis ballaaran ku sameynayso qorshaheeda milatari iyo kuwa bini-aadantinimo ee Geeska Afrika.
Magacaabista Davis ayaa qayb ka ah qorshaha maamulka Madaxweyne Donald Trump ee lagu xoojinayo mudnaanta siyaasadda “America First” , taas oo qeyb ka ah dib-u-habeyn lagu sameynayo matalaadda Mareykanka ee dibadda.





