Turkiga, 15 Febraayo 2026 (Dawan) – Turkiga ayaa maanta oo Axad ah u soo diraya markabka Cagri Bey biyaha Soomaaliya, si uu u bilaabo hawlgallada qodista shidaalka, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah, Alparslan Bayraktar, isagoo xusay in tani ay tahay tallaabo weyn oo Ankara u qaadday himiladeeda madax-bannaanida tamarta caalamiga ah.
Markabka ayaa kasoo amba bixi doona dekedda Tasucu ee ku taalla Mersin, koonfurta Turkiga, si uu u bilaabo hawlgallada badda dheer ee Soomaaliya. Tallaabadan ayaa imaanaysa kadib markii Turkigu soo gabagabeeyey sahan baaris oo uu Soomaaliya ka sameeyey markabkii Oruc Reis.
Bayraktar ayaa ku sheegay farriin uu ku baahiyay baraha bulshada Sabtidii: "Markabkayaga shidaal qodista ee Cagri Bey wuxuu berri ku sii jeedi Soomaaliya si uu u fuliyo hawlgalkii ugu horreeyay ee qodista badda dheer ee ka baxsan Turkiga"
Wasiirku wuxuu intaa ku daray in sannadkan uu noqon doono sannad warar wanaagsan leh, isagoo xusay in hawlgalkan qayb ka yahay qorshaha Turkiga ee lagu yareynayo ku tiirsanaanta tamarta dibadda laga keeno, taas oo uu hormuud u yahay Madaxweyne Tayyip Erdogan. Bayraktar ayaa carrabka ku adkeeyay in madax-bannaanida tamarta ay tahay laf-dhabarta dhaqaale qaran.