Qaahira, 5 Janaayo 2026 (Dawan)– Dowladaha Masar iyo Sacuudi Carabiya ayaa maanta oo Isniin ah mar kale ku celiyay taageeradooda buuxda ee madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xilli ay gobolka ka taagan yihiin xiisado diblomaasiyadeed oo isa soo taraya.
Taageeradan ayaa lagu muujiyay wadahadallo heer sare ah oo ka dhacay magaalada Qaahira, kuwaas oo dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Cabdel-Caadi , iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudi Carabiya, Amiir Faysal bin Farxaan, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo laga soo saaray kulanka.
Bayaan ka soo baxay labada wasaaradood ayaa si adag loogu cambaareeyay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa madax-bannaanida Soomaaliya, gaar ahaan aqoonsigii ay Israa’iil siisay Somaliland, kaas oo ay ku tilmaameen mid ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.





