Baydhabo (Dawan) – Wasiirka Maaliyadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Xuseen ayaa ku eedeeyay ciidamada amniga Dowladda federaalka inay si xoog ah ula wareegeen kastamka canshuuraha ee degmada Afgooye, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya maamulka gobolka iyo dowladda federaalka.
War-saxaafadeed uu soo saaray, Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed ayaa lagu cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay “tallaabo sharci-darro ah” oo ay qaadeen hay’adaha federaalka, isagoo sheegay in ciidamada booliska ay la wareegeen kastamka Afgooye maanta oo Jimco ah.
“Tani waxay ahayd mid ka baxsan sharciga, iyadoo jirdil iyo tacaddi loo geystay shaqaalaha wasaaradda, isla markaana si xoog ah lagula wareegay xafiisyadii iyo agabkii yaallay,” ayuu wasiirku yiri.
