Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan duulaan ku ahayn beel gaar ah, isagoo si kulul u dhaliilay xubnaha mucaaradka, gaar ahaan maamulka Baydhabo.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad uu kaga qeyb galay xarig-jarka waddo la dayactiray oo isku xirta Isgoyska Dab-ka iyo Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha caasimadda.
Xasan Sheekh ayaa beeniyay eedeymaha sheegaya in tallaabooyinka dowladda ay bartilmaameedsanayaan reer gaar ah, isagoo sheegay in arrintaasi ay tahay “waxba kama jiraan”, isla markaana ay jirto marin-habaabin siyaasadeed.
“Reer hebel baa loo danleeyay, reer hebelaa nagu soo duulay waa been; waxba kama jiraan. Dalkana degaan kasta reer hebel baa dega, taasna waa la wada yaqaan. Marka reerka degan deegaanka iyo reer kale oo laba kiiloomitir u jira in ay go’aan wada gaaraan, meesha ay go’aanka ku gaari karaanna waa sanduuqa ay codka ku wada ridaan,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo ku baaqay in laga fogaado ku lug lahaanshaha siyaasadda lagu kala qeybiyo dadka.


