Soomaaliya (Dawan)- Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyay billowga wadahadallada siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo isbahaysiga mucaaradka, kadib kulan uu martigeliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhacay Muqdisho.
Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa qoraal ay ku daabacday barta X (hore Twitter) habeenkii Talaadada ku sheegtay in ururka Midowga Yurub uu “si xooggan u soo dhoweynayo billowga wadahadallada siyaasadeed ee muhiimka ah” ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ah isbahaysi mucaarad ah.
Wadahadalladan ayaa qayb ka ahaa qado uu casuumaaddeeda bixiyay madaxweynuhu, taas oo uu ku martiqaaday hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada, xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed.