SOOMAALIYA (Dawan ) – Hoggaamiyaha Ku Meel Gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Baydhabo, isagoo ballanqaaday inuu hirgelin doono “dib u heshiisiin dhab ah” si loo soo celiyo xasilloonida kadib xiisado siyaasadeed oo dhowaan ka dhacay gobolka.
Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa waxaa magaalada ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka kala socday dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, xildhibaanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Isagoo hadal jeediyay wax yar kadib markii uu ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada ayuu sheegay in maamulka uu hoggaaminayo uu mudnaan siin doono dib u heshiisiin loo dhan yahay oo ay ka qeyb qaadanayaan culimada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
“Waxaan u nimid inaan halkan ka hirgelinno dib u heshiisiin dhab ah,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in geeddi-socodkaasi uu ku dhici doono wada shaqeyn lala yeesho shacabka Koonfur Galbeed, isla markaana uu wax ka qaban doono caqabadaha amni iyo maamul ee jira.
“Ma jiri doonto cid si gaar ah loo beegsanayo ama qabiil gaar ah la bartilmaameedsanayo,” ayuu yiri, isagoo xusay baahida loo qabo dib u dhiska kalsoonida bulshada.


