Tanzania (Dawan ) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa sheegtay inay usoo qalin-jabiyeen 21 xirfadle kadib tababar heer sare ah oo ay ku qaateen dalka Tanzania, iyadoo tani qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo badqabka hawada iyo dib-u-dhiska waaxda duulista.
Tababarka oo socday lix bilood ayaa lagu qabtay Xarunta Tababarrada Duulista Rayidka ee Tanzania, waxaana diiradda lagu saaray maamulka qulqulka hawada (Air Traffic Management) iyo u hoggaansanaanta heerarka caalamiga ah ee ay dejisay Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO).
Sida ay sheegtay SCAA, barnaamijkan ayaa ujeedkiisu yahay kor u qaadista awoodda farsamo ee shaqaalaha iyo hagaajinta badqabka iyo hufnaanta hawlgallada hawada ee Soomaaliya.
Munaasabadda qalin-jabinta ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Soomaaliya iyo Tanzania, oo ay ku jiraan Maareeyaha Guud ee SCAA, Axmed Moallin Xasan, iyo dhiggiisa Tanzania Salim Ramadhani Msangi.


