MUQDISHO (Dawan) – Xildhibaannada cusub ee Golaha deegaanka gobolka Banaadir oo gaaraya 390 xubnood ayaa la dhaariyay Khamiistii kaddib doorashadii qof iyo cod ee ugu horreysay ee ka dhacda magaalada Muqdisho muddo tobannaan sano ah.
Munaasabadda dhaarinta oo ka dhacday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa lagu dhaariyey dhammaan xubnihii ku soo baxay doorashadii la qabtay 25-kii Diseembar 2025.
Xildhibaanada la dhaariyey ayaa ka kala socday ururrada siyaasadeed ee dalka, iyadoo ururka uu hoggaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu helay 177 xubnood. Ururka Towfiiq ayaa helay 49 xubnood, halka ururka Ramaas uu galay kaalinta saddexaad isagoo helay 42 xubnood.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud, ayaa sheegay in dhaarintu ay tahay tallaabada ugu dambeysa ee dhammaystiraysa habraaca doorashada.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in doorashadan ay astaan u tahay bilow cusub oo dimuqraadiyadeed.


