Muqdisho(Dawan) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bed-qabka Rayidka xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Gaashaandhigga, sida lagu sheegay war ay wasaaraddu soo saartay.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga, ansixinta siyaasaddan waxay muujinaysaa sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in hawlgallada difaaca qaranka, sugidda amniga iyo xasillinta dalka loo fuliyo si waafaqsan Dastuurka, shuruucda qaranka iyo mabaadi’da caalamiga ah ee bani’aadannimada iyo xuquuqda aadanaha.
Wasaaraddu waxay sheegtay in siyaasaddan ay dejinayso qaab-dhismeed qaran oo mideynaya dadaallada lagu yareynayo waxyeellada rayidka, isla markaana lagu xoojinayo isla-xisaabtanka, si loo hubiyo in ilaalinta shacabka ay noqoto udub-dhexaadka dhammaan hawlgallada amniga.
Yoolalka siyaasaddan waxaa ka mid ah dhismaha hannaan qaran oo ilaalinaya rayidka xilliyada hawlgallada, dejinta hab-raacyo iyo nidaamyo isku-duwid ah oo u dhexeeya rayidka iyo ciidamada, iyo xoojinta tababarrada ciidamada ee ku salaysan ilaalinta shacabka.
Sidoo kale, siyaasadda ayaa diiradda saaraysa hirgelinta nidaamka digniinta hore iyo jawaab-celinta degdegga ah, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo dadka nugul, iyo xoojinta Unugga Daba-galka, Yareynta iyo Ka-jawaabista Waxyeellada Rayidka ee Wasaaradda Gaashaandhigga.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay inay yeelan doonto kaalinta hoggaamineed ee siyaasaddan, iyada oo mas’uul ka noqon doonta hagidda istiraatijiga ah, isku-dubbaridka hay’adaha ku shaqada leh, dejinta hab-raacyada fulinta, iyo kormeerka dhaqangelinta siyaasadda.
Sida lagu sheegay bayaanka, siyaasaddan ayaa sidoo kale caddeyneysa doorka wasaaradda ee xoojinta isku-duwidda rayidka iyo ciidamada, iyo qabashada kulamada heer siyaasadeed, farsamo iyo hawlgal ee la xiriira fulinteeda.


