New York (Dawan)- Af- carabi, Maahmaah Soomaali ah, iyo farriimo badan oo isku karsan ayuu Ra’iisul Wasaare Xamse Qaramada Midoobay ka jeediyay.
Faaqidaaddeena waxay si kooban u ifineysaa khudabadda 17 daqiiqo ka kooban uu Xamsa ka jeediyay Kalfadhiga 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay isaga oo metelaya Soomaaliya.
Sidaan oo kale, waxa uu hore uga sameeyay markii uu ka qeyb galay shirka caalamiga ee Madasha Tana ee Itoobioya oo looga hadlayo Amniga Qaaradda Africa.
3. Waxa uu xusay isu dhignaan la’aanta horumarka ay Soomaaliya sameyneyso marka dhan laga eego, iyo dhibaatooyinka dowlad ahaan ay la daalaadhaceyso marka dhan kale laga eego. Halkaas ayuu uga haray balse malaha waxaa habooneed inuu sharraxaad dheeraad ah ka bixiyo. Waxa uu ku gaabsaday in howlo badan sugayaan dowlad ahaan si caqbadahaan looga gudbo.
4. Nidaamka maamulka dunida ayuu aad u dhaliilay, isaga oo tusaale u soo qaatay Caabuqii Covid-19. Waxa uu yiri “Waxa uu muujiyay sida nidaamyadeenu tacbaan u yihiin, balse dhanka kale waxa uu muujiyay sida dunidu isku kaashatay oo ay uga adkaatay"
5. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu dhankiisa ka raacay hadal-heynta “Nidaamka maamulka dunida waa in uu is bedelaa” oo ay iibinayaan awoodaha Bariga kuna dalbanayaan in wax laga bedelo. Waa wax aan Soomaaliya laga fileynin xilligaan.
6. Khattaraha ay dunida wajahaeyso ayuu liis dheer u sameeyay, Balse waxa cajiibka leh ayaa ahaa in uu ku soo daray “AI” ama Artificial Intelligence”. Waxay tuseysaa aragtida qadiimiga ah ee Ra’iisul wasaare Xamsa ka aaminsan yahay tiknoolajiyadda casriga ah.
7. Is-nacayba iyo dagaallada dunida ku sii badanaya ayuu qeyb ka siiyay hadalkiisa isaga oo sheegay in Soomaaliya leedahay tagto xanuun badan oo kuwa hadda dhacaya lamid ah.
8. Qaramada Midoobay, Golaha ammaanka, Hay’adaha maamulka maaliyadda oo uu ula jeedaya IMF iyo World Bank ayuu sheegay inay dib-u-habeyn maamul u baahan yihiin, maadaama aysan xal u keeni karin caqabadaha ay dunida xilligan wajaheyso, waxa uu maldahay “Nidaam cusub ayey dunidu u baahan tahay”. Waa war weyn oo dowladaha waaweyn kaliya ku hadaaqaan.
9. Arrinta Falastiin ayuu waqti aan yareyn ka siiyay khudbaddiisa, waa caado madaxda Carbeed looga bartay 40-kii sano ee ugu dambeysay in ay khudbadahooda kusoo qaataan.
10. Arrinka Isbedelka Cimilada ayuu Ra’iisul wasaarahu si ujeeddeysan uga hadlay, waxa uu dulmi ku tilmaamay in Soomaaliya aysan dhibka isbedelka cimilada qeyb ku lahayn balse ay kamdi tahay dowladaha dhibka ugu badan uu ka soo gaaro. Taageero ayuu weydiistay dunida.
11. “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah” inuu yahay mabda’a uu ku salleysan yahay siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya ayuu xusay, isagoo sheegay inay nabad ku wada noolaanshuhu uu yahay waxa ay ka aaminsan yihiin xiriirka deriska iyo dunidaba la leedahay Soomaaliya.12. Arrinka la dagaallada xagjirnimada ayuu ku faanay in 45 % ay Dowladdiisu ka saartay Al-shabaab deegaanadii ay horay u heysteen. Sida ay ula falgaleen dadka deegaannada ayuu xusay inay tahay hab ay dunida oo dhan kaga dayan karto si looga takhalluso xagjiriinta. Sida uu hadalka u dhigay, waxa uu u mahadceliyay Ciidamada ATMIS iyo dowladaha garab istaagay, waxa uu si aan xoogganeyn u dul maray sida Soomaaliya diyaar ugu tahay muddada kala guurka iyo in ciidamada Soomaaliya ay la wareegayaan mas’uuliyadda amniga kadib bixitaanka ATMIS.
13. Cunaqabateynta Hubka in Soomaaliya laga qaado ayuu ku celiyay Ra’iisul wasaare Xamse. Halka ay khudabddiisa kaga jirtay arrinkaan ma muujinayo muhiimmadda ay Soomaaliya u leedahay, farsamo ahaan diyaarinta hadal jeedinta ayey wax ka qaldan yihiin. Seddexda daqiiqo ee ugu dambeysay hadalkiisa oo 17 daqiiqo ka koobnaa ayuu uga hadlay arrintaan
14. Seddex arrin oo ay dowladdu ku mashquulsan tahay oo ay xaqiijin doonto ayuu gebagabadii ku xusay.- Xaqiijinta Deyn cafinta- Xoreynta dalka, iyo- Bixitaanka ATMIS
15. Xayeesiin kooban oo aan fasiraad badan lahayn ayuu ku soo gabo gabeeyay khudbaddiisa “Maalgasho Soomaaliya, waa maalgashi mustaqbal.”.
Nala wadaag aragtidaada, Soomaaliga maka faa’ideysatay fursaddan oo farriin wax ku ool ah dunida ma gaarsiisay?