Soomaaliya, 17 Janaayo 2026 ( Dawan) — Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa intii uu socday hawlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Daacish, gacanta ku dhigay dagaallamayaal ajaaniib ah oo ku sugnaa buuraha Cal-Miskaad, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolka maalinta oo Sabti ah.
Xafiiska Hawlgalada La-dagaallanka Argagixisada Puntland (PCO) ayaa sheegay in xubnaha lasoo bandhigay ay ka garab dagaalamayeen kooxda Daacish, ayna ku jiraan muwaadiniin u dhashay dalalka Turkiga, Sacuudi Carabiya, Marooko, Itoobiya, Yemen, iyo Tansaaniya. xafiiska ayaa sidoo kale soo saaray sawirro iyo liis magacyada dadka la qabtay.







