New York (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay Kalfadhiga 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay , isaga oo tilmaamay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay sannadkii lasoo dhaafay dhinacayda amniga, la dagaalanka kooxda Al-shabaab, dib u a habeynta nidaamka maaliyaaded ee dalka iyo adeegayda guud ee bulshda sida caafimaadka iyo waxbarashada
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaranatahy in ay xaqiijiso seddex yool kuwaas oo kala ah, ciribtirka kooxda Al-shabaab, dhameystirka Deynt cafinta iyo in ciidanka xoogga Soomaaliyeed si buuxda ula wareego mas’uuliyadda amniga Qaranka kadib bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee Mdiowga Africa.
Dhanka dagaalka Al-shabaab ayuu sheegay in ciidanka iyo dadka Soomaaliyeed oo iskaashanaya kala wareegeen kooxda Al-shaabab 45% dhulkii ay hore u maamuli jirtay taas oo sida uu sheegay caddeyn u ah in Soomaaliya ay awooddo in ay iska saarto kooxaha argagixisada.
Sidoo kale, Xamsa ayaa carrabka kua dkeeyay in Soomaaliya ay diyaar u taahy in mas'uuliyadda kala wareegto ciidmada nabad ilaalinta ee Midowga, isaga oo xusay in dowladda Soomaaliya awood u leedahay xakaameynta isticmaalka iyo keydinta hubka kala duwan.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku celiyay codsigii Soomaaliya ay ku dooneysay in laga qaado cuna qabateynta hubka ee saaran tan iyo 1992-kii, isaga oo ku tilmaamay cuna qabateyntaas tii ugu dheereed uguna saameynta badneed ee dal lagu soo rogo.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa yiri " Haddii nagala qaado cuna qabteynta hubka, waxaan awood u yeelaneynaa inaan ka adkaano argagixisada sidoo kalena dadkeyna u sameyno mustaqbal nabad iyo barwaaqo ah.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in arrimha deyn cafinta laga gaaray heer wanaagsan kadib markii Soomaaliya ka gudubtay shuruudhii dib u habeynta nidaamka maaliyeed ee dalka iyada oo ugu dambeyn lasoo gaaray qeybtii ugu dambeysay oo ah shaacinta go'aanka deynta looga cafinayo Soomaaliya.





