Muqdisho (Dawan)- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa 14 Janaayo ku yeeshay Muqdisho kulan rasmi ah oo looga hadlay in Imaaraadku si degdeg ah ugala baxdo dalka qalbka militeri iyo ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, inkasta oo aysan jirin weli heshiis kama dambeys ah oo la xiriira habka ka bixitaanka xarunta milatari ee Imaaraatka ee Boosaaso, sida ay ogaatay Dawan Media.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay guddiyo ka socday dowladda Federaalka, safiirka Imaaraatka ee Muqdisho, iyo saraakiil milatari oo Imaaraatka ka tirsan.
Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda ayaa Dawan u sheegay in kulanka diiradda lagu saaray sidii ka bixitaanka la isagu dubaridi lahaa si nidaamsan, iyadoo la raacayo dhammaan xeerarka duulista iyo hawada dalka, iyo nidaamyada caadiga ah ee rakaabka iyo rarida qalabka.
Mas'uuliyiin la hadlay Dawan oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa sidoo kale sheegay in masuuliyiinta Imaaraatku ay guddiga dowladda u xaqiijiyeen intii lagu guda jiray wadahadallada inaysan wax joogitaan militari ah ku laheyn Kismaayo, isla markaana xarunta milatari ee Imaaraatka ee Berbera si buuxda loo faarujiyey. Si kastaba ha ahaatee, weli lama gaarin heshiis ku saabsan jadwalka go’an ee lagu soo saarayo shaqaalaha iyo qalabka xarunta Imaaraatka ee Boosaaso.


