Doha (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraah Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa ka mahadceliayay garab istaagga iyo taageeridda Dowladda Qatar ay u muujisay Soomaaliya xilliyada adag, isaga oo sheegay in Shacabka Soomaaliyeed uusan hilmaami doonin abaalkii loo galay.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo wareysi siinayay Wakaaladda Wararka Qatar, inti uu booqashada u joogay magaalada Dooxa, ayaa sheegay in dowladda Qatar aysan maalin qura ka caga jiidin inay caawiso Soomaaliya.
Xamsa ayaa yiri “ Taariikhda ayaa xusi doonta dowrki muuqday iyo kaalintii ay dowladda Qatar ka qaadatay horumarka Soomaaliya ee dhinayada dhaqaalaha amniga, xasiloonida, iyo taageeridda barnaamijka deyn cafinta”.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa intaas raaciyay “ Qatar waxey kaalin weyn ka qaadatay fulinta mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya sida waddooyinka, dayac tirka xarumaha dowladda iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka bini aadanimo”.
Saaxib la isku halleyn karo
Ra'iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in marti gelintii Dowladda Qatar ee shirkii arrimaha Sooomaaliya oo ay kasoo qeyb galeen Maraykanka, Ingiriiska, Qatar, Imaaraadka Carabta, Soomaaliya iyo Turkiga uu muujiyay sida ay Qatar uga go’antahay in laga shaqeeyo horumarka iyo xasiloonida Soomaaliya iyo in la garab istaago shacabka Soomaaliyeed, iyada oo la mideeynayo daaalladda beesha caalamka si loo soo afjaro xagjirnimada iyo colaadaha.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay u aragto dowladda Qatar saaxib istiraatiiji ah oo la isku hallayn karo, isaga oo sheegay inuu rajo weyn ka qabo in la sii ballaariyo iskaashiga labada dhal ee dhinacyada kala duwan, si looga mira dhaliyo himilada labada shacab.
Xanmsa waxa uu hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo iskaashiga kala dhaxeeya dowladda Qatar ee dhinacayda waxbarashada, ganacsiga, maalgashiga, dhaqanka, la dagaallanka fikradaha xagjirnimada iyo dadaallada dib u dhiska dalka si loogu xoojiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la dardargeliyo howsha guddiyada isku dhafka ah ee labada dal kuwaas oo loo xil saaray fulinta heshisyadi ay labada xukuumadood kala saxiixdeen si loo xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah.
Dhanka xiriirka, ayuu Sheegay Xamsa in in xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar uu sameeyay horumar la taaban karo sanadihii la soo dhaafay, isaga oo yiri “Markaan booqaneyno Qatar, waxaan xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan si loogu shaqeeyo nabadda, xasilloonida iyo horumarka dalalkeena iyo dunida Carabta iyo Islaamka”





