Laascaanood (Dawan) – Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, caasimadda dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, si uu uga qeyb galo munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka maamulka.
Hadal uu safiirku ka jeediyay garoonka diyaaradaha Laascaanood, kaddib markii uu halkaas ka degay, ayaa mar kale muujiyay doorka sii xoogeysanaya ee Ankara ku leedahay siyaasadda, amniga iyo ilaalinta midnimada Soomaaliya, xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahay isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah.
Safiir Alper Aktaş ayaa sheegay in Turkigu mar walba garab taagnaa shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu sii wadi doono taageeradaas, isagoo adkeeyay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay walaaltinimo iyo iskaashi istaraatiiji ah.
“Mar walba waxaan garab taagnaan jirnay walaalaheenna Soomaaliyeed xilliyada wanaagga iyo kuwa adagbaba, waana sii wadi doonnaa sidaas,” ayuu yiri safiirka Turkiga.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli Turkigu si cad u muujiyay mowqifkiisa ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo Ankara ay sii xoojinayso iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhismaha hay’adaha dowladda.






