Muqdisho, 10 Febraayo 2026 (Dawan)— Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda Starsky Airline ayaa maanta shil ku gashay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, wax yar kaddib markii ay ka kacday, iyadoo ku sii jeedday magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Soomaaliya.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa xaqiijisay in dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii la socday diyaaradda si nabad ah looga soo saaray, iyadoo aan la soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilka.
Axmed Macalin Xasan, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), ayaa sheegay in diyaaradda ay la kulantay cilad farsamo isla markii ay kacday, taasoo ku qasabtay duuliyaha inuu dib ugu soo laabto Muqdisho si degdeg ah. “Duuliyuhu wuxuu diyaaradda kasoo dejiyey magaalada, balse markii ay dhulka ku soo dhacday ayuu xakameyn waayey,” ayuu Axmed Macalin u sheegay warbaahinta qaranka.
“Diyaaraddu waxay dhaaftay dhabbihii loogu talagalay (runway), waxayna ku dhowaatay dhanka badda. Ma jiraan wax khasaare ah.”