Addis Ababa, 19 Janaayo 2026 ( Dawan)- Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday horumar la taaban karo oo laga gaaray xasillinta dhaqaalaha guud, kaddib markii ay si muuqata hoos ugu dhaceen heerarka sicir-bararka, isla markaana uu sare u kacay dakhliga dowladda, arrintaas oo lagu micneeyay natiijada dib-u-habeyn dhaqaale oo ballaaran oo ka socota dalka.
Wasiirka Dakhliga Itoobiya, Aynalem Negussie, ayaa sheegtay in dowladda ay ku guuleysatay inay soo xareyso ku dhowaad 709 bilyan oo birr intii lagu jiray lixda bilood ee ugu horreeyay sannad-maaliyadeedka hadda socda, taasoo ka dhigan koror dhan 256 bilyan oo birr marka loo eego isla muddadii sannadkii hore.
Waxay intaas ku dartay in dowladda ay hiigsanayso inay gaarto dakhli gaaraya 2.1 tirilyan oo birr marka la gaaro dhammaadka sannad-maaliyadeedka, iyada oo la wanaajinayo hannaanka canshuuraha, lana ballaarinayo tirada muwaadiniinta iyo shirkadaha u hoggaansama bixinta canshuuraha.
Wasiirku waxay sheegtay in wejiga xiga ee qorshayaasha dowladda uu diiradda saarayo casriyeynta nidaamyada canshuuraha ku saleysan tiknoolajiyadda, adkeynta la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo la baxsiga canshuuraha, iyo dhisidda nidaam canshuureed ku dhisan kalsooni iyo iskaashi dhex mara bixiyeyaasha canshuuraha iyo hay’adaha dowladda.






