" Waxaan kulan miro dhal ah la qaatay Wasiirka Maaliyadda Qatar Mudane Cali bin Axmad oo ku sugan magaalada Marrakech. Waxaan wadaagnay fikrado ku saabsan guusha barnaamijka dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya, mustaqbalka deymaha cafinta ka dib, iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya Qatar" ayuu yiri, Biixi Iimaan Cige.
25- kii Maarso ee sannadkii 2020-ka ayay guddiyada fulinta ee sanduuqa lacagta adduunka iyo ururka hormarinta caalamiga ah ee Bangiga adduuka (IDA) ay isku raaceen in Soomaaliya soo gaartay xilliga deyn cafinta iyada oo la raacaayo hormarinta dalalka saboolka ah ee deynta culus (HIPC) ka dibmarkii ay ka soo gudubtay seddexdi sano ee loo qabtay 2018-kii si ay usoo gaarto heerka deyn cafinta.