Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo fulinaysa Mashruuc caafimaad oo ay ku kaceyso $ 11.4 Milyan

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqday daah furka fulinta mashruuc lagu xoojinayo Gurmadka Deg-degga ah ee Isbitaallada Gobollada Dalka kaas oo ay ku kaceyso lacag dhan $ 11.4 Milyan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda oo faahfaahin ka bixinaya goobaha laga fulinayo mashruuca, hay’adaha ka qeyb qaadanaya iyo dadka loogu tala galay inay ka faa’iideystaan ayaa u qornaa sida soo socota.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo adeegsanaysa Wasaaradda Caafimaadka ayaa daah furtay mashruuc cusub oo ujeedkiisu yahay in lagu xoojiyo adeegyada degdegga ah ee caafimaadka ee isbitaallada heer federaal iyo heer dowlad goboleed, gaar ahaan meelaha ay ka jiraan xaaladaha daryeel ee daran.

Miisaaniyad dhan US$11.4 million, oo uu maalgalinayo Bangiga Aduunka ee hoos taga Mashruuca Soo kabashada Xasaradaha Soomaaliya (SCRP) , ayaa noqonaya hindise iskaashi oo loogu talogalay in lagula tacaalo nidaamka caafimaadka ee dalka sida cudurrada faafa iyo kuwa aan la kala qaadin, oo ay ku jiraan dhaawacyada, iyo xaaladaha naafo ee ka dhashay dhibaatooyinka ka jira dalka sida waxlaha qarxa.

Mashruucan oo loogu magac daray ‘Xoojinta Adeegyada Degdegga ah ee Caafimaadka ee Cisbitaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada’ waxaa fulintiisa loo mari doona Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka Adduunka ee  (WHO).

‘’Waxa aan billownay shaqo muhiim ah oo lagu xoojinayo daryeelka caafimaadka degdega ah ee Soomaaliya, annaga oo u marayna Mashruuca Soo kabashada Dhibaatooyinka Soomaaliya. Marka la tayeeyo goobaha, tababarka shaqaalaha iyo isku xirka adeegyada caafimaadka, waxaan dhiseynaa awood iska caabbin oo sii jirta si aan uga jawaabno dhibaatooyinka caafimaadka uguna adeegno muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan. Qorshahaan noo calaamadaysan waxa uu saameyn wayn ku yeelan doonaa nidaamka daryeelka caafimaadka Soomaaliya ee hadda iyo mustaqbalkaba.’’ Ayuu yiri, Cabdi Tawane, Maamule Qeybeed Mashruuca Ka Soo Kabashada Dhibaatooyinka Soomaaliya.

Ujeeddada mashruucan ayaa ah taabbagelinta iyo hawlgelinta adeegyada daryeelka degdegga ah, aadka u daran iyo kuwa qalliinka ah oo laga fulin doono 8 isbitaal oo laga soo xulay dalka oo dhan. Hawlahaani waxa ay awood u siin doonaan isbitaallada in ay si sax ah ugu shaqeeyaan hadafka dowladda, bixinta adeegyada deg-degga ah iyo daryeelka muhiimka ah, taas oo qeyb ka ah aragtida Dowladda ee bixinta adeegyada caafimaadka isku dhafan ee lagu qeexay Xirmada Muhiimka ah ee Adeegyada Caafimaadka (EPHS 2020) ee Soomaaliya.

‘’ Wadashaqeyn dhow oo dhex marta dhammaan daneeyeyaasha caalamiga iyo warbixin hufan oo la siiyo qeybta fulinta mashruuca ayaa muhiim u ah muujinta dowladnimada iyo sare u qaadida natiijooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Marka la xaqiijiyo daah-furnaan iyo go’aan mideysan, waxa aan rajeynayaa in mashruucani uu badbaadin doono nafo badan, isagoo sidoo kale, sii wadi doona kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan hay’adaheenna.’’ Ayuu yiri, Saacid Suleymaan Sheekh Cumar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda DFS.

Mashruucani wuxuu sidoo kale diirradda saarayaa in la xoojiyo hababka gudbinta ee u dhexeeya daryeelka caafimaadka aasaasiga ah iyo heerarka kale ee sare ee daryeelka caafimaadka ee dalka si loo dhiso nidaam isku-dhafan oo caafimaad si loo daboolo baahiyaha caafimaad ee qof kasta.

“Qeybtan muhiimka ah ee Mashruuca ka soo kabashada Musiibooyinka Soomaaliya waxa uu dhisayaa wadashaqeynta xooggan ee ka dhexeysa Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Adduunka iyo WHO ee Soomaaliya,” ayuu yiri H.E. Dr Cali Haji Aadan Abuubakar, Wasiirka Caafimaadka iyo Adeeggyada Aadanaha ee Xukuumadda FederaalkaSoomaaliya.

Wasiirka ayaa intaas raaciyay “Soomaaliya waxay samaysay horumarro waaweyn intii lagu jiray masiibadii COVID-19 sida xoojinta awoodda qaranka ee isu diyaarinta, ka jawaabidda/wax ka qabashada, iyo ka soo kabashada dhibaatooyinka caafimaad ee bulshada, iyadoo taageero ka heleysay la-hawlgalayaasha sida WHO iyo Bangiga Adduunka. Tallaabo dheeraad ah ayaa loo baahan yahay si loo daboolo baahiyaha degdegga ah ee dadweynaha, loona xoojiyo nidaamyada kormeerka iyo shaybaarka si loo ogaado, loogana jawaabo khataraha caafimaad bulshada ee soo shaacbaxaya.” .

Marka la fiiriyo qeybahiisa kala duwan; Mashruuca Soo-kabashada Dhibaatooyinka Soomaaliya (SCRP) waa barnaamij dhammeystiran oo taageeraya ka-soo-kabashada masiibooyinkii hore isla markaasna kor u qaadaya u adkaysiga kuwo soo ifbaxaya mustaqbalka. SCRP waxa ay aqoonsan tahay muhiimada ay leedahay xoojinta nidaamka caafimaadka ee dalka sidoo kalena ka jawaabaya dhibaatooyinka cimilada iyo colaadaha.

Wejigiisa 3-aad; Qeybta Hirgelinta Mashaariicda (PIU) waxay si dhow ula shaqaynaysaa Wasaaradda Caafimaadka si ay u hirgaliso habab lagu xoojinayo adkeysiga waaxda caafimaadka. Waxaa ka mid ah sameynta shabakado caafimaadka degdega ah oo socoto ah si loo gaarsiiyo in reer guuraagu ay heli karaan daryeel caafimaad inta lagu gudo jiro musiibooyinka, kor-u-qaadista hababka wacyigalinta koowaad ee cudurada si loo saadaaliyo dhibaatooyinka mustaqbalka, iyo tababarida shaqaalaha caafimaadka bulshada ee gargaarka deg-degga ah.

Iyada oo laga caawinayo nidaamka caafimaad ee Soomaaliya in uu u adkeysto dhibaatooyinka cimilada mustaqbalka, mashruucu waxa uu higsanayaa in uu seeska u noqdo daryeel caafimaad oo adkeysi badan dhamaan geyiga dalka iyo in la taageero xuquuqda aasaasiga ah ee caafimaad dhammaan Soomaalida ku sugan xaaladdan adag.

Dr. Mamunur Rahman Malik, oo ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka, ahna Madaxa Ergay ee Soomaaliya ayaa xusay sida ay kaga go’an tahay Wasaaradda Caafimaadka DFS iyo Wasaaradaha heer Maamul Goboleed, wuxuuna yiri, “ Iyadoo la adeegsanayo habka nidaamka caafimaadka, mashruucani wuxuu hoosta ka xariiqayaa baahida loo qabo maalgashi ballaaran oo lagu sameeyo adeegyada deg-degga ah iyo daryeelka muhiimka ah ee Soomaaliya sida lagu muujiyey WHA76.2 ee hagaajinta isku-dhafka deg-degga ah iyo daryeelka asaasiga ah si loo gaaro caymiska caafimaad ee caalamiga ah. Horumarinta adeegyadaani waxay dalka u horseedayaan inuu u diyaargaroobo, sidoo kale na awood u yeesho inay muwaadiiinta Soomaaliyeed helaan adeegyo caafimaad oo tayoleh oo ay xaq u leeyihiin.’

Kulanka furitaanka ayaa ka koobnaa daahfur rasmi ah ka dibna waxaa si qoto dheer looga dooday hirgelinta mashruuca ay ka hawlagayaan WHO, Qeybta Fulinta Mashaariicda ee Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka, iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Ka qeybgalayaashu waxay dib u eegis ku sameeyeen qorshaha hirgelinta mashruuca, waxayna ku heshiiyeen in si dhow loo wada shaqeeyo si loo xaqiijiyo ka midho-dhalinta himilooyinka iyo ujeedooyinka horumarinta mashruuca iyadoo la raacayo waqtiga ay ku heshiiyeen dowladda iyo la-hawlgalayaashu si ay u xoojiyaan qaybaha daryeelka caafimad ee Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here