Soomaaliya (Dawan)– Soomaaliya ayaa Isniintii bilowday barnaamij qaran oo socon doona muddo lix sano ah, kaas oo ku kacaya $18.9 milyan, ujeedkiisuna yahay ilaalinta deegaanka dhulka iyo badda, iyo taageeridda bulshooyinka ku tiirsan kheyraadka dabiiciga ah.
Hindisahan oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, isla markaana ay fulintiisa kala kaashanayaan Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), ayaa waxaa lagu maalgelinayaa deeq dhan $12.4 milyan oo ka timid Hey’adda Deegaanka Adduunka (GEF), $1.5 milyan oo ka timid UNDP, iyo $5 milyan oo isugu jira tabarucaad iyo ka-qaybgal maaliyadeed oo ka imanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Barnaamijku wuxuu dhisi doonaa isla markaana xoojin doonaa 11 aag oo ku yaal dalka oo dhan, kuwaas oo daboolaya qiyaastii 387,000 hektar. Qorshuhu wuxuu ka koobnaan doonaa dib-u-habeyn sharciyeed iyo aqoonsi rasmi ah oo la siinayo aagagga la ilaaliyo, dib-u-soo-celinta in ka badan 6,500 hektar oo dhul xaalufay, ka saarista 8,000 hektar oo ay ku fidayaan noocyo dhir aan deegaanka u fiicnayn, iyo dhisidda kaabayaal iyo nidaamyo maamul oo dhammaan 11-ka goobood ah.
UNDP ayaa sheegtay in barnaamijku uu gacan ka geysan karo dhuuqista ku dhowaad 889,000 tan oo u dhiganta kaarboon laba ogsaydh (CO2), taas oo door ka qaadan karta yareynta saameynta isbeddelka cimilada.
In ka badan 200,000 oo qof, gaar ahaan dadka ku nool miyiga, haweenka iyo dhalinyarada, ayaa la filayaa inay si toos ah uga faa’iideysan doonaan hagaajinta hab-nololeedkooda, maaraynta waarta ee kheyraadka dabiiciga ah, iyo ka-qaybgal ballaaran oo ay ku yeeshaan dadaallada ilaalinta deegaanka.