Soomaaliya (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta bilowday barnaamij tababar oo ku saabsan amniga saaybarka, kaas oo loogu talagalay shaqaalaha dowladda si ay u helaan aqoon iyo shahaadooyin caalami ah oo la xiriira ilaalinta xogta iyo ka hortagga weerarrada internet-ka.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa soo qabanqaabisay tababarkan, waxaana ka qaybgalaya 30 shaqaale dowladeed oo ka kala socda 21 hay’adood, kuwaas oo lagu soo xulay shuruudo ay ka mid tahay inay leeyihiin aqoon heer koowaad oo IT ah, injineernimo, ama wax u dhigma.
Barnaamijkan ayaa diiradda saaraya horumarinta xirfadaha khubarada ICT-da ee hay’adaha dowladda, si ay u helaan shahaadooyin caalami ah oo kor u qaadaya awooddooda ilaalinta xogta qaranka iyo la tacaalidda khataraha sii kordhaya ee amniga dijitaalka.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasin, ayaa sheegay in ujeeddada tababarku tahay dhisidda awoodda shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ee dhinaca amniga saaybarka.
“Ujeeddada tababarkan waa in la helo shaqaale leh aqoon sare oo awood u leh ilaalinta xogta dowladda, isla markaana aqoontaas dib ugu celiya hay’adahooda si loo xoojiyo amniga,” ayuu yiri.


