MUQDISHO (Dawan) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay Wada-xaajoodka Iskaashiga Daneeyayaasha ee ku saabsan Himilooyinka Caalamiga ah ee Horumarinta Waara, oo qayb ka ah barnaamijka “Iskaashiga Caalamiga ah ee Horumarinta Waxtarka leh.
Shirkan oo lagu qabtay hangarka garoonka diyaaradaha Muqdisho (Airport Hangar), ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay Warbixinta Natiijooyinka Soomaaliya (GPEDC 2023–2026 Monitoring Round), taas oo lagu cabbirayo horumarka iskaashiga horumarineed ee dalka.
Kulanka ayaa kulmiyay mas’uuliyiin ka socota dowladda, hay’adaha caalamiga ah, bulshada rayidka ah iyo ganacsatada, si ay uga wada hadlaan sidii loo hagaajin lahaa iskaashiga horumarineed loona xoojin lahaa waxtarka mashaariicda gargaarka.
Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta, Maxamed Shire, oo furay shirka ayaa sheegay in kulankan uu yahay kii afaraad ee noociisa ah, isla markaana diiradda lagu saarayo dib-u-eegis iyo qiimeyn lagu sameynayo mashaariicdii horumarineed ee dalka ka socday.
“Shirkan, oo ah kii afaraad, waxaan ku sameyneynaa dib u eegis iyo qiimeyn ku saabsan mashaariicdii socday si ay u noqdaan kuwo la taaban karo oo si dhab ah uga qayb qaata horumarinta dalka,” ayuu yiri.
Dhanka kale, Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Jabriil Afyare, ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli ku jirto marxalad kasoo kabasho ah, inkastoo horumar muuqda la gaaray.
“Dal waxaan nahay burbur kasoo kabanaya, weli dulduleelo way jiraan, laakiin horumar weyn ayaa jira oo la sii amba qaadi karo,” ayuu yiri.


