Muqdisho (Dawan Africa) – Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo deegaan doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed ayaa kulan ku yeeshay Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo sidii loo xoojin lahaa dib-u-heshiisiinta bulshada, xilli uu khilaaf xoogan ka taagan yahay maamulka.
Kulanka oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dhinaca Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, lataliyayaal sare iyo saraakiil ciidan.
Mas’uuliyiintaan ayaa ka wada hadlay sida loo wajihi karo caqabadaha ka jira deegaanada Koonfur Galbeed, iyagoo isla gartay in loo baahan yahay in la dardargeliyo dadaallada dib-u-heshiisiinta si loo xoojiyo midnimada bulshada iyo wadajirka dadka reer Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyadu ka qeyb qaataan horumarka gobolka, lana ilaaliyo xasilloonida si looga hortago wax kasta oo wiiqi kara wadajirka bulshada.


