Muqdisho (Dawan Africa) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay madaxweynaha iyo gudoomiyaha golaha wakiilada ee lagu doortay doorashada la isku khilaafsan yahay ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo Cali Saciid Faqi, inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta.
War-saxaafadeedkaan ayaa ku soo aadaya xilli ay ciidamado dowlada ay guula ka sheegteen dagaal maanta ku dhex maray iyaga iyo A-shabaab inta u dhaxeysa deegaanada Deynoonaay iyo Magaaladda Baydhaho oo ay qeyb ka qaateen diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn, iyada oo maamulka Koofur-galbeeed ay sheegeen in diyaaradahaas ay qeyb ka yihiin duulaan lagu soo qaaday iyaga oo ay kor ka ilaalinayeen.
War-saxaafadeedka ka soo baxay dowlada ayaa lagu sheegay in ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay howlgal ka fuliyeen deegaanka Daynuunay ee gobolka Bay, halkaas oo lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, laguna burburiyay fariisimo ay ku sugnaayeen.
Dowladda ayaa sheegtay in xogaha laga helay howlgalka ay muujinayaan in Laftagareen iyo Cali Saciid ay xiriir toos ah la lahaayeen xubnaha Al-Shabaab, iyadoo xustay in labada masuul ay fulinayeen heshiisyo ay la galeen kooxda, isla markaana ay faafinayeen warar been abuur ah oo ka dhan ah saaxiibada caalamiga ah.


