Algeria (Dawan)- Xulka Soomaaliya ayaa la kulmay guul darraddii ugu horeysay kulankooda koowaad ee isreeb-reebka koobka Adduunka 2026 oo ay caawa la ciyaareen xulka Algeria.
Ciyaarta oo ka dhacday dalka Algeria, garoonka Mandella Stadium ayaa kusoo dhaamtay 3 iyo 1 oo ay guusha ku raacday waddanka martida loo ahaa ee Algeria.
Goolka kaliya ee Soomaaliya waxaa dhaliyay Yuusuf Axmed halka goolasha ay u dhaliyenen Algeria ciyaariyahanada Islaam Slimani, Baghdad Bounedjah iyo goolka koowaad oo ay Soomaaliya iska dhalisay.
Waa markii ugu horeysay ee ay Soomaaliya ka hortagto waddanka Algeria oo 4 jeer ka qeyb qaadatay koobka adduunka kuna jirta kaalinta 33-aad ee qiimeynta FIFA.
Soomaaliya ayaa raadineysa guusheedi labaad oo ay ka gaarto isreeb-reebka koobka Adduunka kadib guushii 2019-ka ee ay kaga badisay dalka Zimbabwe.
Rachid Lousteque tababaraha Qaranka ayaa soo xushay 26 ciyaartooy oo isagu jira a kuwa ka ciyaara gudaga dalka iyo dibaddiisa, waxaana lagu soo xushay sida uu sheegay qaab ciyaareedki ay soo bandhigeen bilihi lasoo dhaafay iyo dadaalka ay ka muujiyeen ciyaarihii saaxibtinimo ee ugu dambeeyay.






