Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa uga tacsiyeysay dowladda iyo shacabka Liibiya dadkii ku geeriyooday daadadkii ka dhasahy duufaanta ku dhufatay dalkaas.
"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxey si buuxda u garab taagantahay dowladda aan walaalaha nahay ee Liibiya, kadib duufaantii ku dhufatay dalkaas ee sababatay dhimasho, dhaawac iyo khasaare hantiyadeed oo badan” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimah Dibadda Soomaaliya.
Baaanka ayaa intas ku daray "Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehelladdii iyo qaraabdii ku waayay dadkooda, waxaana Ilaah uga baryeyna dadka ku dhaacmay inuu siiyo caafimaad deg-deg ah”
Mas’uuliiinta Liibiya ayaa sheegay in dadka ku geeriyooday daadadka ay kor u dhaafeen laba kun oo qof, halka la weysanyahay dad ka badan tobon kun oo qof.





