Marooko (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa uga tacsiyeysay dowladda iyo shacabka Marooko dadkii ku geeriyooday dhul-gariirkii xooganaa ee fiidnimadii Jimacaha ku dhuftay dalkaas.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si buuxda u garab taagantahay dowladda iyo shacabka Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Marooko oo ku jira xilli adag kadib dhul-gariirkii u geysatay khasaaraha badan" ayaa lagu yiri, bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya.
Bayaanka ayaa intaas ku daray " Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehelladdii iyo qaraabdii ku waayay dadkooda, waxaana Ilaah uga baryeyna dadka ku dhaacmay inuu siiyo caafimaad deg-deg ah"
Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Marooko ayaa sheegtay in dad gaaraya 632 qof ay ku dhinteen dhul-gariirka, halka ay ku dhaawacmeen 329 kale, iyada oo laga casbi qabo in tiradu sii siyaaddo saacadaha soo socda.
Xarunta Cilmi-baarista Sayniska iyo Farsamada ee dalkaas ayaa sheegtay in xoogga dhul-gariirku gaaray 7 darajo cabbirka Richter.



