Soomaaliya, 15 Febraayo 2026 (Dawan)— Wasiirrada maaliyadda ee heer federaal, heer dawlad-goboleed, iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah ku shiray magaalada Muqdisho si ay uga wadahadalaan dadaallada lagu midaynayo nidaamka canshuuraha dalka iyo dardargelinta isbeddellada dhaqaale.
Shirkan labada maalmood soconaya, oo uu guddoominayo Wasiirka Maaliyadda Federaalka, Biixi Imaan Cige, ayaa ah fadhigii 24-aad ee ay yeeshaan madaxda maaliyadda ee dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, kulanka ayaa diiradda lagu saaraya “mideynta dakhliga gudaha” iyo samaynta qaab-dhismeed rasmi ah oo lagu qaybsado khayraadka, taas oo lagu tilmaamay tallaabooyin muhiim u ah Soomaaliya xilligan ka dambeeya deyn-cafinta, si loo sugo xasilloonida maaliyadeed iyo hufnaanta.





