Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiwaangelisay markabkii ugu horreeyay ee qaata calankeeda tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991, sida uu sheegtay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda maanta oo Khmiisa ah .
Markabka lagu magacaabo “Guney” Sumadda trisigiisuna tahay (IMO 8230417) ayaa si rasmi ah loogu diiwaangeliyay calanka Soomaaliya shalay oo Arbaca ah kadib markii la dhameystiray shuruucda iyo nidaamyada diiwaangelinta maraakiibta, sida ay sheegtay Wasaaradda Dekedaha.
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,oo qoraal bartiisa Facebook soo dhigay ayaa sheegay in tallaabadan ay astaan u tahay dib u soo celinta awoodda maamulka badda.
“Waxaan si rasmi ah u diiwaangelinnay markabka ‘Guney’ oo qaatay calanka Soomaaliya,” ayuu yiri.
“Tani waa markii ugu horreysay tan iyo burburkii dalka ee markab lagu diiwaangeliyo calanka Soomaaliya.”


