MUQDISHO (Dawan ) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u magacawday Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2aad, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, inuu noqdo hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, sida lagu sheegay digreeto uu saxiixay Ra’iisul Wasaaraha, Xamza Cabdi Barre habennimadi Arbacada.
Magacaabistan oo dhaqan gashay 1-da Abriil ayaa lagu sheegay mid lagu xaqiijinayo sii socoshada maamulka, sugidda amniga iyo adeegyada dowladeed, kadib isbeddello siyaasadeed oo ka dhacay maamulkaas.
Digreetada ayaa tilmaamaysa in hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah uu xilka hayn doono inta lagu jiro muddada kala guurka ilaa laga soo dooranayo hoggaan rasmi ah.
“Magacaabistani waxay ku aaddan tahay xaqiijinta sii socoshada maamulka, ilaalinta xasilloonida siyaasadeed, amniga iyo kala dambeynta dowladeed, iyo danta guud ee shacabka,” ayaa lagu yiri digreetada.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay in hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah uu dardargelin doono wadatashiyada iyo geeddi-socodka doorasho qof iyo cod ah oo lagu dhameystirayo maamulka Koonfur Galbeed.


