Marooko (Dawan)- Telefishinka dowladda Marooko oo soo xiganaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaas ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay Dhul-gariirkii dalkaas ku dhuftay fiidnimadii Jimcaha ay gaartay 2012 qof.
Telefishinku wuxu intaas ku daray in dadka ku dhaawacmay Dhul-gariirka ay gaarayaan 2,059, oo ay ku jiraan 1,404 qof oo ay xaaladoodu liidato.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dhankeeda sheegtay in dadku ku dhinteen sagaal gobol oo u badan kuwa dhaca Waqooyiga dalkaas.
Bayaan kasoo baxay Boqortooyada Marooko ayaa lagu sheegay in Boqorku ku dhawaaqay seddax maalin oo baroor diiq ah iyo in calamada hoos loo dhigo.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in la magacaabay Guddi heer Wasiirro ah oo si deg-deg ah wax ugu qabta dadkii wax ku waxyeelloobay Dhul-gariirkii dhacay Jimacahii lasoo dhaafay.
Bangiga Adduunka ayaa sheegay inuu si buuxda u taageerayo Dowladda iyo Shacabka Marooko oo wajaha xaalad aad u adag, una baahan caawinaad deg-deg ah.






