Soomaaliya, 17 Febraayo 2026 (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xarigga ka jartay mashruuc cusub oo guryo loogu dhisay dadka deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose. Mashruucan ayaa loogu talagalay in dib u dejin loogu sameeyo qoysaskii ku barakacay dagaalladii ka dhacay deegaanka.
Guryahan cusub ayaa loo bixiyay Tuulada SOMTURK, waxaana mas’uuliyiintu shegeen inay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga.
Munaasabadda lagu daahfurayay laguna wareejinayay guryaha dadka deegaanka waxaa ka hadlay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali. Waxay sheegeen in tuuladan ay qayb ka tahay dadaallada ballaaran ee dib loogu soo celinayo noloshii caadiga ahayd ee dadka rayidka ah ee deegaannada dhowaan laga saaray Al-Shabaab.
“Qorshaheennu waa in guusha milateri ay la socoto adeegyada rayidka,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh
Sida uu wasiirku sheegay, mashruucan wuxuu bixinayaa guryo qiimo jaban oo ka kooban laba qol, musqul iyo deyr, kuwaas oo nolosha u sahlaya dadka guryahoodii ku waayay colaadaha.
Sidoo kale, raashiin iyo gargaar kale oo qayb ka ah howlgalka xasilinta ee dowladda ugu talagashay deegaannada ayaa lagu qaybiyey munaasabadda.