Muqdisho (Dawan)- Ciidamada Nabad Suggidda Soomaaliya, ayaa maanta oo Arbaca ah xiray Xuseen Cabdulle Maxamed, oo ka mid ah Suxufiyiinta ka hawlgala Magaalada Muqdisho.
Ilo ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyay xariga wariyaha saaka, balse ilaa hadda faah faahin dheeraad ah kama bixin sababta rasmiga ah ee loo xiray.
Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Wariyaha loo xiray sababa la xiriira warbixin uu ka diyaariyay Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Suggidda Qaranka ee NISA.





