Muqdisho (Dawan ) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in aysan oggolaan doonin wax aargoosi, qabyaalad ama qalalaase ah oo ka dhaca magaalada Baydhabo, xilli ay dowladda si buuxda ula wareegtay amniga magaalada kadib xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo halkaas ka taagnaa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka ay damaanad qaaday ammaanka Baydhabo, isla markaana Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gacanta ku hayaan xaaladda magaalada.
“Lama ogolaanayo wax haba yaraatee qalalaase ah, aargoosi ah, qabyaalad ama kala qeybsanaan ah inay ka dhacdo Baydhabo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Wuxuu intaas ku daray in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in la ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida, isla markaana shacabka Koonfur Galbeed ay heli doonaan fursad ay si xor ah ugu doortaan hoggaankooda mustaqbalka.


