Baydhabo, Maarso 30 (Dawan) – Dowladda Soomaaliya ayaa manata oo Isniin ah sheegtay in Kooxo hubeysan oo ay sheegtay inay taageersan yihiin Madaxweynaha la isku khilaafsanyahay ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen” ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda oo howlgal ka waday meel u dhow magaalada Baydhabo, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA), oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka waday duleedka Baydhabo, ay la kulmeen weerar ay ku tilmaantay maleeshiyaad “amar ka qaata Laftagareen.”
Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamada dowladda oo heegan sare ku jiray ay iska caabiyeen weerarka, isla markaana ay gaarsiiyeen khasaare Kooxdii. Waxa kale oo ay sheegtay in qaar ka mid ah kaaxda weerarka soo qaaday gacanta lagu dhigay.
Dhanka kale, Telefishinka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo soo xiganaya af-hayeen Ugaas Xasan, ayaa sheegay in “ciidamo uu soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” ay weerar kusoo qaadeen maamulka, balse ay ku guuldareysteen. Wuxuu sheegay in weerarka la jebiyay, isla markaana shacabka iyo hay’adaha amniga ay muujiyeen “geesinimo iyo midnimo,” isagoo intaa ku daray in cid kasta oo isku dayda inay qalqal geliso amniga ay la kulmi doonto “jab iyo fashil.”


