Baydhabo (Dawan) - Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa Isniintii sheegtay in ciidamada federaalka ay sugeen waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, kadib howlgal ay ku sheegeen inay kaga sifeeyeen dagaalyahannada Al-Shabaab.
Sida ay baahisay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa gaaray magaalada Baydhabo, kadib howlgal sifeyn ah oo laga sameeyay waddada dheer, iyadoo laga saaray dagaallamayaashaAl-Shabaab.
Saraakiisha amniga ayaa sidoo kale la sheegay inay gudaha Baydhabo ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, kadib markii kooxo hubeysan laga saaray qaybo ka mid ah magaalada, kuwaas oo warbaahinta dowladda ay sheegtay inay taageersanaayeen madaxweynaha la isku khilaafsan yahay ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen.”
Warbixintu waxay intaas ku dartay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo saraakiil amni ay la kulmeen shacabka Baydhabo, iyadoo boqolaal qof lagu sheegay inay soo dhaweeyeen ciidamada dowladda.


