Muqdisho (Dawan) – Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wajahan magaalada Baydhabo, iyadoo xiisado siyaasadeed iyo kuwo dagaal ay sii xoogeysanayaan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, halka madaxweynaha maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen,” uu ka digay inuu la dagaalami doono cid kasta oo weerar ku qaadda.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli uu sii qoto dheer yahay khilaaf u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, kadib muran ka dhashay arrimo siyaasadeed iyo doorashooyin la isku khilaafsan yahay.
Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ciidamda diigaanka iyo kuwa federaalka ay gudaha u gali doonaan magaaladda . Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa sare u qaadday cabsi laga qabo isku dhacyo hubeysan oo ka dhaca Baydhabo, oo ah xarun muhiim u ah maamulka iyo howlaha gargaarka bini’aadannimo.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa X (Twitter), Laftagareen ayaa sheegay in weerar kasta oo lagu qaado Baydhabo ama deegaanada Koonfur Galbeed uu la kulmi doono “jawaab ciidan oo adag,” isagoo sidoo kale ugu baaqay hoggaanka qaranka inay ka fogaadaan dhiig daadin oo ay doortaan wadahadal.


